Dhambaalka Jimcaha — 51 | 02 Muxarram 1447 |27 Juun 2025
Suuradda al-Kahf (Godka)- 11 | Imtixaanka Aqoonta 4
Xilkasnimo
“[Waxaadna xustaa] Markii uu Muuse ku yidhi gacanyarihiisi: Fadhi iima yaal ilaa aan gaadho barkulanka labada badood ama aan socdo sanooyin (badan).”
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَاهُ لَا أَبْرَحُ حَتَّىٰ أَبْلُغَ مَجْمَعَ الْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِيَ حُقُبًا (60)
“Dadku waa ab culus yahay
Ohli maaha weelkiyo
Lagu rido alaabtee,
Ha addoomin garashada.
Waxad tahay ugaaskii
Hanashada adduunkiyo
Ifka loogu hiishee,
Ha la biqin awoodaha
Lagu furo albaabbada
Xujadoodu adag tahay,
Axdi baa ku xidhayee
Magantaad ka oday tahay
Marti adigu haw noqon.
Alkun laga war-qaatiyo
Murti lagu ul-goostiyo
Waa adduun sarbeebo ah
Waa abuur wacdaro badan
Waa astaanta hirashada
Waa abbaarta xilashada
Waa ilayska barashada
Waa aqoonta gudashada
Waa ammaan-ku-sugashada
Waa Ilaah-ku-garashada
Nafta lagaga eed baxo.”
—Hadraawi: Af-ku-siran.
Nebi Muuse CS ma ahayn qof noloshu iska sidato, ee isagaa isdirayay oo waaqaca ku xeeran qaabaynayay. Markii isagoo Fircoon ka cararay uu arkay labo gabdhood oo xoolahoodi aan ceelka ka waraabinayn, iskama daawane tallaabo ayuu qaaday, wuxuuna weydiiyay waxa ka hortaagan inay sida dadka kale xoolaha waraabsadaan.
Markii ay yidhaahdeen aabbahayo waa oday da’ ah, annana ma waraabin karno ilaa adhijirku ceelka ka tagaan, markiiba intuu isxilqaamay buu xoolihii u waraabiyay, isaga oo aan waxba weydiisan kana filan.
Gabdhahaa kaalmada u baahan markuu arkay ma uusan odhan “maxaa iga galay!”, ishana kama daawan e, wixii la gudboonaa ayuu sameeyay. Waana tii murti Soomaaliyeed ay ahayd: wax lays faray fariid lagu ma noqdo.
War kaalay na caawi oo xoolaha noo waraabi ragga ma dhex gali karnee, iyaga oo aan odhan, buu isagu gartay waajibka saaran.
Aqoonta iyo garashadu waa inay qofka ka dhigaan xilkas dhiifoon. Aqoontii innoo korodhaba waa inay inna dareensiisaa masuuliyad dheeraad ah oo inna fuushay. Ma aha in aynu aqoonta ula dhaqanno sidii dameer kutub sida, ee waa inay nolosheenna qaabaysaa, oo ay innagu hagtaa wanaagga iyo waxtarka.
Maalinta Qiyaame, ee la qaawan yahay ee la qatan yahay — afarta su’aalood ee mahurtooyinka ah, “cilmigii maxaad ku qabatay?” ayaa ka mid ah. Adiga oo aan ka jawaabinna banka Qiyaame ka dhaqaaqi maysid.
لا تَزولُ قَدَمَا عَبْدٍ يومَ القيامةِ، حتَّى يُسأَلَ عن عُمُرِه؛ فيمَ أفناه؟ وعن عِلْمِه؛ فيم فعَلَ فيه؟ وعن مالِه؛ من أين اكتسَبَه؟ وفيم أنفَقَه؟ وعن جِسمِه؛ فيمَ أبلاه؟
Nebi Muuse CS, isaga oo aan weli nebi laga dhigin ayuu waajibkaa gudanayay. Isaga oo nebi ah, xil weynna saaran yahay, laga filan maayo in uu gacmaha laabto, oo isaga oo aamusan uu Khadir iyo falalkiisa yaabka iyo yamakaagga leh isha ka eegto. Marba wuu is-illaawayay, wuxuuna is-arkayay isaga oo xanaaqay oo Khadir ku haysta falka ka soo fulay.
Waa waajibka saaran qof kasta oo xilkas ah. Ma aha in aad “xumaan” kuu muuqata indhaha ka laashid adiga oo ismaahinaya. Musiibada hadda jirtaa waa in dadkii qaar ayba sidaa warac iyo taqwo u arkaan! Labadii jeer ee uu Khadir wax “kharribay”, Muuse wuu canaantay, welibana dilka wiilka yar wuxuu ku canaantay ereyo kuwii hore ka sii kulul. Markii uu gidaarka dumaya toosiyayna waa kii hadalka ka keenay.
Indheergaradka iyo hoggaanka bulshadu, tooda inta aysan dareemin ayay ta guud ka danqadaan. Imaam Maawardi (450H) oo faallaynaya markii Khadir doonta dillaaciyay canaantii Muuse ee ahayd: ma dadka doonta saaran inaad qarqisaad u dillaacisay (أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا), ayaa wuxuu tilmaamayaa inay isaguba halistaa ku jiray, oo haddii doontu degto uu isba ku qarraqmi lahaa. Laakiin, sidii caadada nebiyadu ahayd, dadkii ayuu naftiisa ka hormariyay oo uu tudhaale iyo naxariis u muujiyay, isaga oo aan tiisiiba xusuusan.
Dhacdo kale oo Xilkasnimadii Nebi Muuse CS innoo muujinaysaa waa halka ay ka soo jeedaan shanta salaadood ee aynu tukannaa.
Habeenkii Nebiga ﷺ samada loo qaaday, anbiyadii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Muuse CS. Markii Nebiga ﷺ wixii Alle SWT farayay la soo faray, ayuu laabashadii mar kale soo maray Muuse CS.
Nebi Muuse CS ayaa weydiiyay waxa ummaddiisa lagu soo waajibiyay. Nebigu ﷺ wuxuu u sheegay in konton salaadood laga rabo. Muuse CS isaga oo ka dabqaadanaya waaya-aragnimadii uu ka helay reer Banuu Israa’iil, ayuu yidhi: “Rabbigaa ku noqo, ummaddaadu taas ma awooddee.”
Nebigu ﷺ wuu laabtay, Allana badh buu salaadihii uga dhigay. Haddana markii uu Muuse CS soo maray ayuu isla su’aashii weydiiyay. Mar kalana noqo ayuu yidhi ma awoodaane!
Wax uu Nebiga ﷺ celiyaba, markii shan salaadood soo hadheen, ee uu yidhi noqo ma awoodaane, ayuu Nebigu ﷺ yidhi: “Rabbigay waan ka xishooday.”
Xilkasnimadii Nebi Muuse CS ayaa sabab u noqotay in la innaga daayo kontonkii salaadood, oo laga soo reebo shan ajar ahaan u dhigma konton.
Nebi Muuse CS ma odhan anba reer Banuu Israa’iil waan la rafaadaye, isna kuwiisa ha la rafaadee maxaa iga galay!
“Hasha Dabar, ka dibna Tawakal”
Waxqabadka la innaga doonayaa waa hadba intii karaankeenna ah.
لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا
Qisada suuraddu ku bilaabatay waa qisadii dhalinyartii la cararay iimaankooda markii la damcay in gaalnimo lagu qasbo. Isma aysan dhiibin, ee intii tamartoodu noqotay ayay faleen. God cidla’ ah inay galaan ayay ka doorbideen gaalnimo iyo shirki inay ku dhacaan. Intoodi markii ay qabteenna, intii awooddooda ka baxsanayd Alle ayay ku wareejiyeen.
وَإِذِ اعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا اللَّهَ فَأْوُوا إِلَى الْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًا (16)
Alle wuxuu ku samatabixiyay hurdo. Iyagii iimaankooda la baxsaday, oo 300 boqol oo sano iyo dheeraad seexday, ayaa markii dambe dad kale iimaankoodi jiritaanka aakhiro u badbaadiyay.
Mid kalana— aabbihii suubbanaa ee saalixa ahaa, ee ubadkiisa wax u kaydiyay, maalintii adduunka laga kaxeeyay, ee talo gacantiisa ka baxday, Alle ayaa u kafaalo qaaday carruurtiisi, waxaana lagu samatabixiyay oo lagu dhowray falkii Khadir ee Muuse ka yaabiyay.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجۡرَ مَنۡ أَحۡسَنَ عَمَلًا
Dilka wiilka yarna wuxuu ina tusinayaa dhinac kale oo ay leedahay ilaalinta iimaanku. Markii awood la hayo, in aan la cararin lana dhuuman e, iimaankii lagu ilaaliyo, oo lagu dhowro awood in la adeegsado, ciddii halis ku ahna la muquuniyo.
‘Xaqu kama maarmo kitaab wax haga, iyo xadiid wax xanuujiya.’
لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَأَنزَلْنَا مَعَهُمُ الْكِتَابَ وَالْمِيزَانَ لِيَقُومَ النَّاسُ بِالْقِسْطِ ۖ وَأَنزَلْنَا الْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌ شَدِيدٌ وَمَنَافِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعْلَمَ اللَّهُ مَن يَنصُرُهُ وَرُسُلَهُ بِالْغَيْبِ ۚ إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ (25)
“Dadka oof dalooshiyo
Ammin baa sugaysoo
Waa ayaamo jiratee,
Orka gabay nin sugayow
Irbad baa wax humisee
Wax ku soo dar aammiin.
Andaqaadka hubantidu
Qofba wuxu ishaartiyo
Idan lagu cawaystiyo
Ha ahaato maahoo
Ficil baa ansixiyee
Imminkaba Garaadow
Arrimaha dad lagu yahay
Ha ku xadin Allow sahal.”
—Hadraawi: Af-ku-siran.
Faa’iidooyin
وَمَا فَعَلْتُهُ عَنْ أَمْرِي
Khadir CS iyada Alle ku ammaanay aqoon, Nebi Muusana CS aqoon u soo doontay oo weliba uu isu dhuldhigay, oo waxyaalaha uu samaynayo uu la amakaagay, ayaa haddana Khadir fasiraaddiisi ku ebyay: Iskay uma samayn waxyaalahan ee Alle ayaa i faray.
Sidaa awgeed, falalka Khadir lagama qaadan karo in yoolku banneeyo marinka (the ends justify the means; الغاية تبرر الوسيلة). Amar Alle ayay arrimahani ku yimaaddeen, si Muuse CS loo dareensiiyo heerka aqoontiisa ee kooban. Innaga waxa keli ah ee la innoo oggol yahay waa inaan daahirka iyo sida innoo muuqata wax ku xukunno, ee cilmu baadin la sheegto, iyo anigaa og lama oggola.
Nebiguna ﷺ xadiis ayuuba ku sheegay in wixii gar loola yimaaddo uu doodda iyo caddaymaha la hor keenay ku dhisayo, ee qofkii wax uusan lahayn loo xaqo ay tahay in uusan qaadan, haddii kale uu gabal Naar ah qaatay.
إنَّما أنا بَشَرٌ وإنَّكُمْ تَخْتَصِمُونَ إلَيَّ، ولَعَلَّ بَعْضَكُمْ أنْ يَكونَ ألْحَنَ بحُجَّتِهِ مِن بَعْضٍ، فأقْضِي علَى نَحْوِ ما أسْمَعُ، فمَن قَضَيْتُ له مِن حَقِّ أخِيهِ شيئًا، فلا يَأْخُذْهُ فإنَّما أقْطَعُ له قِطْعَةً مِنَ النَّارِ.
Culimadu (Ibnu Cadiyah, 542H; Qurdubi, 671H) waxay tilmaamaan edeb iyo anshax wanaagsan oo laga dheehan karo aftahammada Khadir CS.
Markii uu doonta dillaaciyay, wuxuu yidhi: Waxaan doonay inaan ceeb u yeelo (فَأَرَدتُّ أَنْ أَعِيبَهَا). Marba haddii ereyga ceeb meesha yimid, isagaa falkii isku koobay ee Alle uma uusan tiirin — “Waxaan doonay inaan ceeb u yeelo”.
Wiilkii yaraana wuxuu ka yidhi: Waxaan doonnay (فَأَرَدْنَا أَن يُبْدِلَهُمَا). Qaybtii dilka isagaa lahaa, beddelkana Alle ayaa laga rejaynayaa, oo waa yididdiilo iyo rejo mustaqbal oo labada waalid loo filayo in Alle beddel khayr qaba siiyo. Markaa wadar ahaan ayay ku timid.
Halka toosintii gidaarka uu yidhi: Rabbigaa wuxuu doonay (فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبْلُغَا). Maadaama hagaajinta gidaarka iyo dheefta laga sugayaaba ay wanaag iyo khayr yihiin, xilliga la dheefsan doonaana qayb qarsoon yahay, wuxuu doonistii ku koobay Alle SWT, halka uu isagu isku koobay ceebayntii iyo iin u yeeliddii doonta.
Intaa waxaa dheer, markii uu wiilka yar dilay, ee Muuse CS ku yidhi: Ma naf daahir ah baad dishay! (أَقَتَلْتَ نَفْسًا زَكِيَّةً), Khadir isla tilmaantii ayuu faahfaahintiisa ku soo daray, oo waa ka yidhi: Mid isaga ka daahirsan in Alle ugu beddelo ayaan doonnay (فَأَرَدْنَا أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًا مِّنْهُ زَكَاةً).
Sax, waa zaki daahir ah, laakiin mid ka sii daahirsan, oo uga naxariis iyo kalgacal badan ayaa Alle ugu beddeli doonaa. Waana tii aynu soo marnay in Alle gabadh ugu beddelay, sida mufasiriinta qaar ay sheegeen.
Iskuxidhka Qisooyinka
Bilowgii suuradda waa tii aynu ku soo marnay in sababta suuratul Kahfi u soo degtay, ay ahayd in mushrikiintii Makah ay wafdi u direen Yuhuuddii Madiinah degganayd, si ay u xujeeyaan Nebiga ﷺ. Yuhuuddii ayaa u soo dhiibay su’aalo ay Nebiga ﷺ ku jirrabayaan, oo haddii uu ka jawaabi waayo ay yidhaahdeen nebi ma aha!
Culimada qaar (eeg tafsiirka Raazi) ayaa waxay tilmaameen in sababta qisadan Muuse iyo Khadir ay suuradda ugu jirtaa ay tahay in Yuhuuddaa lagu edbiyo. Su’aalihii waa laga jawaabay, tanna dheeraad ahaan baa loo siiyay, macnaheeduna wuxuu noqonayaa: haddii saddexdaa su’aalood garasho la’aantooda nebinnimo lagu waayayo, bal arka Muuse oo saddexdan arrimoood garan waayay. Nebinnimadii ma waayayaa?
Faa’iido kalana waxaa tilmaamay Dabari (310H) oo isagu wuxuu yidhi: Qisadani waxay edbin u tahay Nebiga ﷺ oo waxay baraysaa in uusan degdegsan ciqaabta mushrikiinta beeniyay, kuna jeesjeesay isaga iyo kitaabkiisaba; uusanna la yaabin in iyaga oo sidaa yeelay haddana ay iska barwaaqaysan yihiin, oo uusan daahirkaa ku kedsoomin, ee ay xaqiiqadu tahay in aargoosi sugayo ee loo yara seeto dheeraynayo. Imaam Dabari wuxuu leeyahay arrintan waxaa xoojinaysa in qisadan horteed, Alle SWT yidhi:
وَرَبّكَ الْغَفُورُ ذُو الرّحْمَةِ لَوْ يُوءَاخِذُهُمْ بِمَا كَسَبُوا لَعَجّلَ لَهُمْ العَذَابَ بَلْ لَهُمْ مَوْعِدٌ لَنْ يَجِدُوا مِنْ دُونِهِ مَوْئِلا .
— arartan ka dibna uu innoo tebiyay wixii dhex maray Muuse iyo Khadir, iyo sida xaqiiqada iyo biyadhaca arrimuhu ay marar badan uga duwanaan karaan daahirka loo wada jeedo markaas. Nimcada ay ku sugan yihiin ma aha sharfid iyo karaamayn ee waa dabin iyo qool, ee yaan lagu kedsoomin.
Ibnu Cadiyah (542H) isagu dooddan Dabari wuu ka biyadiiday, wuxuuna yidhi waa wax suurooba, laakiin iskallifaad badan baa ku jirta ee ka fiirso.
ونحو هذا مما هو محتمل لكن بتعسف ما، فتأمله.
— المحرر الوجيز في تفسير الكتاب العزيز لابن عطية - 542 ھ
Raazi (606H) isagu faa’iido kale ayuu ka arkay halkan, wuxuuna tilmaamayaa xidhiidh kale oo sheekadan iyo kuwii ka horreeyay ka dhexeeya. Imaamku wuxuu yidhi: gaaladii fuqarada Muslimiinta ugu faanay maalka iyo cududda ayay raddinaysaa.
Waa kuwii Nebiga ﷺ ka codsaday in uusan u soo dhoweyn dadkan saboolka ah, ee uu gaarkooda Diinta ugu sheego, maadaama ay yihiin akhyaartii Carabta ee maal iyo mansabba kulansaday.
Markaa Raazi wuxuu leeyahay iyada oo uu Muuse heer sare ka joogay cilmi, camal, mansab, iyo wax kasta oo sharaf iyo maamuus ah, ayuu haddana aaday Khadir si uu wax uga barto, wuuna isu dhuldhigay oo tawaaducay. Taasina waxay tusinaysaa in tawaaducu uu ka roon yahay iskibrinta.
FG: Dhambaalka xigaa waa toddobaad-dhaaf insha Allaah. Waa innoo Jimcaha soo socda ka ku xiga, haddii Alle idmo.
#Dhambaalka_Jimcaha
Allow kheyr kusii ustaad.
Mahadsanid Ustaad Maxamed Yusuf.