Dhambaalka Jimcaha — 50 | 24 Dul Xijah 1446 |20 Juun 2025
Suuradda al-Kahf (Godka) - 10 | Imtixaanka Aqoonta 3
“[Waxaadna xustaa] Markii uu Muuse ku yidhi gacanyarihiisi: Fadhi iima yaal ilaa aan gaadho barkulanka labada badood ama aan socdo sanooyin (badan).”
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَاهُ لَا أَبْرَحُ حَتَّىٰ أَبْلُغَ مَجْمَعَ الْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِيَ حُقُبًا (60)
Nebi Muuse CS isaga oo waxyi ku soo dego, oo Alle SWT toos ula hadlay, ayuu haddana go’aansaday in uu safar dheer galo, oo uu wax ka soo barto qofkii lagu yidhi wuu kaa aqoon badan yahay.
“Fadhi iima yaal ilaa aan gaadho barkulanka labada badood ama aan socdo xuqubyo,” ayuuna yidhi.
Culimadu macnayaal kala duwan ayay ku tilmaameen macnaha ereyga xuqub. Qaar baa ku sheegay hal sano, qaarna waxay ku tilmaameen siddeetan sano, halka kuwo kale ay tilmaameen inay tahay muddo aad u badan. Waxayse isugu soo ururaysaa in uu Muuse CS uga jeeday waan raadinayaa xataa haddii ay sannado badan igu qaadato. Wuxuu diyaar u ahaa in uu sannado badan safro si uu xerow u noqdo oo uu cidda wax ku dhaanta ka looxjiito waxna ka barto.
Aqoontu wax la dhayalsado ma aha.
Alle SWT waxa uu Quraanka innagu weydiiyay: “Dheh: Miyay siman yihiin kuwa garanaya iyo kuwa aan garanayn? Waxaa dhug yeesha waxgaradka.”
قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ (9)
Sidaas awgeed ayay Diinteennu maqaam sare u siisay ahlul cilmiga, aadna innoogu boorrisay waxbarashada. Ereygii ugu horreeyay ee Nebiga ﷺ lagu soo dejiyayna wuxuuba ahaa “Iqra’” — Akhri. Isla aayadahaa waxyiga ibafurka u ahaa waxaa Alle israaciyay abuuriddii, bariddii cilmiga, iyo qalinkii. Jaahilnimo ku joog ha jirin baa dhaanta.
Abuurku marnaba kama maarmo ababin iyo waxbarid. Nebi Aadam CS markii Alle abuuray, wuxuu ugu xejiyay in uu baray magacyada wax kasta.
وَعَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا
Culimadu waxay sheegaan (eeg Zamakhshari tafsiirkiisa; Ibnu Xajar iyo Fatxul Baarii) in cilmigu yahay waxa keli ah ee Alle SWT amray Rasuulkiisi ﷺ in uu dheeraad weydiisto, waana aayadda suuradda Daaha ku jirta ee: “Waxaadna tidhaahdaa: Rabbiyoow cilmi ii kordhi.”
وَقُل رَّبِّ زدني عِلْما 114
وقيل : ما أمر الله رسوله [ صلى الله عليه وسلم ] بطلب الزيادة في شيء إلا في العلم .
— الزمخشري
لأن الله تعالى لم يأمر نبيه - صلى الله عليه وسلم - بطلب الازدياد من شيء إلا من العلم
— ابن حجر العسقلاني
وكفى بهذا شرفا للعلم ان امر نبيه ان يسأله المزيد منه
— ابن القيم
Aayad kale Alle SWT wuxuu ku yidhi: “Alle wuxuu darajooyin kor u qaadayaa kuwa rumeeyay iyo kuwa cilmiga la siiyay, Allana khabiir buu ku yahay waxaad falaysaan.”
يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ ۚ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ (11)
Aqoon jacaylka iyo raadinta cilmiguna waa waxyaalihii uu Nebigu ﷺ ku barbaariyay saxaabadiisi. Qaarkood ayaa laga hayaa in xadiis uu maqlay dartii uu bil sii socod ah iyo bil soo socod ah safar ugu galay, si uu toos uga maqlo qofkii looga sheegay. Dan kale oo uu socdaalkaas ka lahaana ma aysan jirin.
Waana ta Nebigu ﷺ yidhi: Qofkii qaada jid uu cilmi ku raadinayo, Alle wuxuu u sahlaa jid Jannada geeya. Malaa’igtuna waxay garabkeeda u dhigtaa aqoondoonka iyada oo ku raalli ah waxa uu samaynayo. Caalimkana waxaa dembidhaaf u dalba inta samooyinka iyo dhulka ku sugan — xataa kalluunka biyaha ku jira. Caalimku wuxuu caabidka wax u dheer yahay sida dayuxu wax u dheer yahay xiddigaha kale. Culimaduna waa dhaxlayaashii anbiyada — anbiyadana laga ma dhaxlo diinaar iyo dirham midna, ee waxaa laga dhaxlaa cilmi, qofkii qaataana wuxuu helay qayb libaax.
مَن سلَكَ طريقًا يلتَمِسُ فيهِ علمًا ، سَهَّلَ اللَّهُ لَهُ طريقًا إلى الجنَّةِ ، وإنَّ الملائِكَةَ لتَضعُ أجنحتَها لطالِبِ العلمِ رضًا بما يصنعُ وإنَّ العالم ليستغفِرُ لَهُ مَن في السَّمواتِ ومن في الأرضِ ، حتَّى الحيتانِ في الماءِ ، وفضلَ العالمِ على العابدِ كفَضلِ القمرِ على سائرِ الكواكبِ ، وإنَّ العُلَماءَ ورثةُ الأنبياءِ إنَّ الأنبياءَ لم يورِّثوا دينارًا ولا درهمًا إنَّما ورَّثوا العلمَ فمَن أخذَهُ أخذَ بحظٍّ وافرٍ
Jaabir ibnu Cabdillaah RC ayaa laga soo wariyay inuu yidhi: “Waxaa i soo gaadhay in uu nin hayo xadiis uu ka maqlay Rasuulkii Alle ﷺ, markaas ayaan awr iibsaday oo aan bil u sii socday ilaa aan Shaam ka gaadhay, saa waa Cabdillaahi ibnu Unays. Qofkii albaabka joogay baan ku idhi: U sheeg Jaabir baa albaabka taagan.
Wuxuu yidhi: Ina Cabdillaahi?
Waxaan idhi: Haa.
Markaasuu soo baxay oo laabta i galiyay.
Waxaan ku idhi: Waxaa jira xadiis ay i soo gaadhay inaad ka maqashay Rasuulkii Alle ﷺ, waxaanna ka cabsaday inaan dhinto aniga oo aan kaa maqlin.
Wuxuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle ﷺ oo dhahaya: Dadka waxaa la soo tubayaa maalinta Qiyaame iyaga oo qaawan…”
Cajiibsanaa.
Safar noqosho oo bil ahna wuu sugayaa. Waa labo bilood oo halkaa xadiis dartii loo safray, dan kalana aan loo socon.
Maantana cilmigii oo meel kasta yaalla baa la innagu kari la’ yahay.
Cabdillaahi ibnu Mascuud RC ayaa isna laga soo wariyay: Haddaan ogahay qof Kitaabka Alle iiga aqoon badan oo geel lagu gaadhi karo, waan u safri lahaa.
لو أعلم أحدا أعلم مني بكتاب الله تبلغه الإبل لركبت إليه.
Wuxuuna Ibnu Mascuud odhan jiray: Noqo caalim, ama mutacallim wax baranaya, hase noqon dhaanraac labadaa u dhexeeya!
اغْدُ عالِمًا، أو مُتعلِّمًا، ولا تَغْدُ إمَّعةً فيما بيْنَ ذلك.
“Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara-ku-hayntiisa
Weligaa ha sii deynin,”
—Hadraawi: Sirta Nolosha.
Maadaama aqoonteennu iska kooban tahay, fursad kasta oo aan ku kordhin karno waa inaan ka faa’iidaysannaa. Heer waxbarashadu ku dhammaato ma jiro, da’ lagu joojiyaana ma jirto, ee waa dedaal ilaa qabriga socda. Imaam Axmed baa lagu yidhi: Adigii baaba ah imaamkii Muslimiintee maad iska nasatid. Wuxuu ku jawaabay hadal macnihiisu yahay dawaaddaan sidanayaa ilaa layga duugo.
مع المحبرة إلى المقبرة.
Aadanuhu si kasta oo uu u cilmi iyo caqli bato, haddana waa uu kala dhantaalan yahay weligii. Abuurteennaa daciif ah sida Quraanku sheegay. Kamana maaranno nuurka Alle. Laga yaabee intii badbaadada kuu noqon lahayd in aadan weli helin, ee maxaa qalinka iyo buugga kaa dhigaya?
وَلَٰكِن جَعَلْنَاهُ نُورًا نَّهْدِي بِهِ مَن نَّشَاءُ مِنْ عِبَادِنَا ۚ
Jimce kasta ayaan akhrinnaa qisadan. Labada Jimce intii u dhexaysay maxaad baratay? Dedaal intee le’eg ayaad galisay kordhinta aqoontaada? Immisa aayadood ayaad baratay oo aad macnahooda iyo tafsiirkooda qabatay? Immisa xadiis? Immisa masalo oo xalaal ama xaaraan ku saabsan ayaad baratay? Maxaa kuu kordhay?
Inta aan la inna xisaabin, waa inaan isxisaabinnaa. Illeen cimrigan wixii aynu ku qabannay waa la inna su’aali doonaa e.
Qorshayso in aad maalin kasta, ugu yaraan 30 daqiiqadood ku bixisid barashada Diinta.
Intaas badan baa macnadarro innagaga baxda maalin kasta.
Hal aayad baro oo fahan kuna dhaqan.
Hal xadiis baro oo fahan kuna dhaqan.
Hal masalo oo fiqhi ah baro …
Dhacdo taariikheed wax ka baro…
…
Buug aad maalin kasta ku qortid wixii aad baratay samayso. Ama telefoonka ku qoro, ama kombuuyuutar. Laakiin, marna qoritaanka ha ka tagin.
Maalin haddii aad haleeli waydid, sidii waajib kaa tagay u qallee oo maalin kale 60 daqiiqo ka dhig. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad qabatinto oo aad dareentid ahmiyadda waqtigaas.
Sannadku marka uu dhammaado ugu yaraan 365 wax ayaad ka baratay Diinta.
Dulqaad
قَالَ لَهُ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًا (66) قَالَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا (67) وَكَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِ خُبْرًا (68) قَالَ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ صَابِرًا وَلَا أَعْصِي لَكَ أَمْرًا (69)
Aqoondoonnimadu kama maaranto dulqaad iyo isdhuldhig. Qabweyni, islaweyni, iyo santaag wax lagu ma barto.
Imaam Shaafici waa tii uu lahaa: Qofkii aan saacad dhadhamin nolosha adag ee waxbarashadu, wuxuu noloshiisa oo dhan qudhqudhiyaa dulliga jaahilnimada.
وَمَنْ لَمْ يَذُقْ مُرَّ التَّعَلُّمِ سَاعَةً
تَجَرَّعَ ذُلَّ الْجَهْلِ طُولَ حَيَاتِهِ
Qofku waxa uusan aqoon iyo khibrad u lahayn uma dulqaato badanaa ee wuu ka boodaa ama ka salfududaadaa.
Waa middii Khadir uga digay Muuse CS, uuna yidhi ma dulqaadan kartid. Maawardi (450H) wuxuu leeyahay dulqaadkani waa labo nooc: waa mid e, dulqaadan kari maysid oo su’aalaad i weydiin doontaa. Mid kalana: dayn maysid inaad igu qabsatid waxaan samayn doono.
Qisadan casharradeeda waxaa ka mid ah ahmiyadda kaadsiinyaha iyo hubsiimada, oo waa tii murtida Soomaaliyeed ahayd: Hubsiimo hal baa la siistaa.
U fiirso, kana fiirso.
Wax baro.
Islaweyni iyo dulqaad la’aan dartood yaysan aqoontu kugu seegin.
Imaam Raazi (606H) wuxuu codsigaa raacitaanka ee Nebi Muuse CS dhiibtay, ka soo saarayaa faa’iidooyin ilaa 12 gaadhaya. Wuxuu leeyahay aayadahani waxay muujinayaan in Nebi Muuse CS uu xeeriyay noocyo badan oo aadaab iyo anshax ah markii uu doonay in Khadir wax ka barto.
Waa marka koowaad e, wuxuu isdhigay boos la hoggaaminayo oo uu raacayo Khadir (هَلْ أَتَّبِعُكَ). Midda labaad, ma uusan odhan waan ku raacayaa, ee idan buu dalbaday oo ma ku raaci karaa ayuu yidhi. Waana tawaaduc iyo isdhuldhig xeeldheer.
Midda saddexaad, wuxuu qiray in farqi aqooneed u dhexeeyo isaga iyo Khadir marka uu yidhi si aad ii bartid (عَلَىٰ أَن تُعَلِّمَنِ).
Intaa waxaa dheer, ma uusan odhan waxa aad taqaannid oo dhan i bar, ee wuxuu yidhi qayb ka mid ah wixii lagu baray (مِمَّا عُلِّمْتَ). Raazi wuxuu leeyahay, halkanna tawaaduc baa ku jira oo waxay ka dhigan tahay in uu Muuse CS leeyahay: wixii lagu baray in ka mid ah i bar, ee ku weydiin maayo inaad heerkaaga aqooneed i soo gaadhsiisid oo aan kula sinmo.
Wixii lagu baray — waxaa ku jirta qiridda in Alle SWT uu Khadir baray aqoontan. Nebi Muusana marka uu leeyahay (رُشْدًا) — hanuunkii lagu baray, ujeedkiisu waa hanuun raadin, ee yool kale kama laha aqoontan. Hanuunkaas la’aantiina habow iyo baadiyoobid ayaa halis loo yahay.
Midda toddobaad: “inaad wax iga bartid wixii lagu baray” (تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ), waxaa ku jirta ii wanaaji sidii Alle kuu wanaajiyay, oo sidii uu waxbariddaas kuugu nimceeyay, adna iigu nimcee inaad i sii bartid.
Intaas waxaa dheer, marka uu Muuse CS leeyahay “ma ku raaci karaa” (هَلْ أَتَّبِعُكَ), waxaa ka dhalanaysa in uu dabagalo oo meesha uu maro uu la maro oo uu ku daydo. Sidaas awgeed, halkaa waxaa laga qaadanayaa “ardayga waxaa laga rabaa bilowga waxbarashada in uu hoggaansamo oo uu muran iyo doodda daayo,” ayuu yidhi Raazi.
وهذا يدل على أن المتعلم يجب عليه في أول الأمر التسليم وترك المنازعة والاعتراض.
Aqoonta ha u baran istusnimo iyo cid kula doodid.
Alle ha innagu gallado cilmi naafic ah iyo camal saalix ah.
Aamiin.
اعلم أن المتعلم على قسمين متعلم ليس عنده شيء من العلم ولم يمارس القيل والقال ولم يتعود التقرير والاعتراض، ومتعلم حصل العلوم الكثيرة ومارس الاستدلال والاعتراض . ثم إنه يريد أن يخالط إنسانا أكمل منه ليبلغ درجة التمام والكمال والتعلم في هذا القسم الثاني شاق شديد، وذلك لأنه إذا رأى شيئا أو سمع كلاما فربما كان ذلك بحسب الظاهر منكرا إلا أنه كان في الحقيقة حقا صوابا، فهذا المتعلم لأجل أنه ألف القيل والقال وتعود الكلام والجدال يغتر ظاهره ولأجل عدم كماله لا يقف على سره وحقيقته، وحينئذ يقدم على النزاع والاعتراض والمجادلة، وذلك مما يثقل سماعه على الأستاذ الكامل المتبحر فإذا اتفق مثل هذه الواقعة مرتين أو ثلاثة حصلت النفرة التامة والكراهة الشديدة، وهذا هو الذي أشار إليه الخضر بقوله : { إنك لن تستطيع معي صبرا } إشارة إلى أنه ألف الكلام وتعود الإثبات والإبطال والاستدلال والاعتراض.
وقد ذكرنا أنه متى حصل الأمران صعب السكوت وعسر التعليم وانتهى الأمر بالآخرة إلى النفرة والكراهية وحصول التقاطع والتنافر
المسألة الرابعة : قول الخضر لموسى عليه السلام : { وكيف تصبر على ما لم تحط به خبرا } نسبة إلى قلة العلم والخبر ، وقول موسى له : { ستجدني إن شاء الله صابرا ولا أعصى لك أمرا } تواضع شديد وإظهار للتحمل التام والتواضع الشديد ، وكل ذلك يدل على أن الواجب على المتعلم إظهار التواضع بأقصى الغايات ، وأما المعلم فإن رأى أن في التغليظ على المتعلم ما يفيده نفعا وإرشادا إلى الخير . فالواجب عليه ذكره فإن السكوت عنه يوقع المتعلم في الغرور والنخوة وذلك يمنعه من التعلم.
— مفاتيح الغيب للرازي - 606 ھ
الفخر الرازي
#Dhambaalka_Jimcaha
Alle haku barakeeyo walaal.
Mahadsanid