Dhambaalka Jimcaha — 45 | 13 Shawaal 1446 |11 Abriil 2025
Suuradda al-Kahf (Godka)- 5 | Imtixaanka Maalka iyo Magaca 2
Imtixaanka Maalka iyo Magaca — 2
۞ وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا رَّجُلَيْنِ جَعَلْنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيْنِ مِنْ أَعْنَابٍ وَحَفَفْنَاهُمَا بِنَخْلٍ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمَا زَرْعًا (32) كِلْتَا الْجَنَّتَيْنِ آتَتْ أُكُلَهَا وَلَمْ تَظْلِم مِّنْهُ شَيْئًا ۚ وَفَجَّرْنَا خِلَالَهُمَا نَهَرًا (33) وَكَانَ لَهُ ثَمَرٌ فَقَالَ لِصَاحِبِهِ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَنَا أَكْثَرُ مِنكَ مَالًا وَأَعَزُّ نَفَرًا (34) وَدَخَلَ جَنَّتَهُ وَهُوَ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِ قَالَ مَا أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِ أَبَدًا (35) وَمَا أَظُنُّ السَّاعَةَ قَائِمَةً وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِّنْهَا مُنقَلَبًا (36) قَالَ لَهُ صَاحِبُهُ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَكَفَرْتَ بِالَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّاكَ رَجُلًا (37) لَّٰكِنَّا هُوَ اللَّهُ رَبِّي وَلَا أُشْرِكُ بِرَبِّي أَحَدًا (38) وَلَوْلَا إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَاءَ اللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ ۚ إِن تَرَنِ أَنَا أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا (39) فَعَسَىٰ رَبِّي أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًا مِّنَ السَّمَاءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا (40) أَوْ يُصْبِحَ مَاؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُ طَلَبًا (41) وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَا أَنفَقَ فِيهَا وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّي أَحَدًا (42) وَلَمْ تَكُن لَّهُ فِئَةٌ يَنصُرُونَهُ مِن دُونِ اللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا (43) هُنَالِكَ الْوَلَايَةُ لِلَّهِ الْحَقِّ ۚ هُوَ خَيْرٌ ثَوَابًا وَخَيْرٌ عُقْبًا (44)
“Ugu hogatusaalee labo nin oo aan midkood u yeelnay labo beerood oo cinab ah; waxaanuna ku xeernay geed timireed, dhexdoodana waxaan yeelnay sarac (badar, iwm.). Labada beerood mid kastaa waxay keentay dalaggeedi waxna kama aysan dulmin; dhexdoodana waxaan ka burqinnay webi. Wuxuuna haystay midho (hanti), markaas ayuu ku yidhi saaxiibkii, isaga oo la sheekaysanaya (faanaya): ‘Aniga ayaa kaa hanti badan, dad ahaanna kaa sharaf badan.’
Wuxuuna galay beertiisi, isaga oo naftiisi dulmiyay, markaas ayuu yidhi: ‘U malayn maayo in tani weligeed baaba’ayso. Mana filayo in Saacaddu dhacayso; wallee haddii Rabbigay la ii celiyana waxaan helayaa mid tan kaga wanaagsan munqalaban (meel loo geddoomo oo loo laabto).’
Saaxiibkii oo u jawaabayaa ku yidhi: ‘Miyaad ku gaalowday Kii kaa abuuray ciid, ka dibna dhibic, ka dibna kuu qaabeeyay nin ahaan! Se aniga: Isagu waa Alle; Rabbigay — Rabbigayna cid wax la wadaajin maayo. Kolkii aad beertaada gashayna waxay ahayd inaad tidhaahdo: maashaa Allaah laa quwata illaa billaah (waa sidii Alle doonay ee awood aan isaga ku tiirsanayn ma jirto) — marba haddii aad ii aragtay in aan kaa hanti iyo ubad yarahay. Rabbigayna wuxuu mudan yahay in uu i siiyo wax beertaada ka wanaagsan, iyadana uu u soo diro cadaab (haamadday) samada ka yimid, markaana ay noqoto ban sisib ah. Ama ay biyaheedu gudhaan oo aad gaadhi kari waydaba.
Waxaana la hareereeyay (halaagay) midhihiisi, markaasuu noqday mid sacabbadiisa gedgeddinaya, wixii uu ku bixiyay awgii, iyada oo cariishyadeedi (saanqaafkeedi) ku duntay, wuxuuna leeyahay: Caku iyo aniga! Rabbigay cidna wax ha la wadaajin lahaayee!
Mana uusan haysan koox u hiilinaya Alle sokadii, isaguna isuma hiilin karin.
Halkaas walaayadu (garab iyo gaashaan) waxay u ahaatay Allaha Xaqa ah — Isaga ayaa abaalmarin u wanaagsan, aayatiinna u roon.”
“Wax kasta oo adduunyada ah haddii la isku halleeyo waa sidaa. Linabluwahum ayuhum axsanu camalan…. Haddii Ilaahay maahee aadan wax kale ka helayn hiilimaad; Isaga maahee abaalgud aadan ka helayn, ciribtaada dambana Isagu ku shaqo leeyahay; kolka, Isaga hayso intaad adduunka joogtid. Adduunyada waxaad doontid ka hayso — ha isku halleynin. Waxaad hesho Ilaahay ugu shukri. Xaggaa ula kac.”
— Sheekh Maxamed Macallin (1420H ama 1421H).
Nebiga ﷺ markii la amray in uu weheshado Mu’miniinta yoolkoodu yahay raalligalinta Alle keligii, oo uusan u hanqaltaagin maalka iyo mansabka kuwa ismahadiyay ee yasaya Mu’miniinta, ayaa Alle SWT wuxuu ku xejinayaa qiso hogatusaalayn ah.
Imaam Dabari (310H) wuxuu leeyahay: Alle SWT waxa uu Nebigiisi ﷺ ku yidhi — Maxamadoow ugu tusaalee kuwan Alle ku shirkiyay, ee ku weydiinaya inaad erido kuwa Alle baryaya aroor iyo fiidba iyaga oo raadinaya raalli ahaanshaha Rabbigood: labo nin oo aan midkood u yeelnay labo beerood oo cinab ah, oo aan ku meegaarnay geed timireed, dhexdoodana aan yeelnay sarac…
Waa qisada labo nin oo midna yahay Mu’min Alle ku tiirsan oo aan adduunyada dhaldhalaalkeeda ku sirmin, aysanna adduunyadu macne weyn ugu fadhiyin; ninna yahay kuwii Alle ku tilmaamay, “mid aan qalbigiisa moogaysiinnay xuskayaga oo raacay hawadiisa arrinkiisuna ahaaday habow (baadiyoow).”
مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُ عَن ذِكْرِنَا وَاتّبَعَ هَوَاهُ وَكَانَ أَمْرُهُ فُرُطاً
Waxay kala joogaan halkii Sacad, Bilaal, Khabbaab, Salmaan, Muscab… iyo Abuu Jahal, Umaya ibnu Khalaf, Waliid ibnu Muqiirah, iyo islaweynayaashii kale.
Sayid Qudb (1387H) oo qisadan faallaynayaa wuxuu yidhi: Qisada labada nin iyo labada beerood waxay hogatusaalaynaysaa qiyamka iyo qaayasoorrada suulaya ee baaba’aya, iyo qiyamka waaraya, waxayna sawiraysaa labo muunadood oo cadcad oo ay kala leeyihiin nafta sharafta ka raadinaysa quruxda nolosha, iyo nafta sharafta iyo cisada ka raadinaysa Alle. Waana labo habnololeed oo midba dad ku suntan yihiin. Labo-beerooluhu wuxuu u taagan yahay ninka hantiilaha ah ee ay hantidiisu indhasarcaadiso, nimcaduna kibriso, ka dibna illaawa awoodda sare ee gacanta ku haysa aqdaarta dadka iyo noloshaba. Nimcadan ayuu u qaadanayaa mid waaraysa oo aan dhammaanayn, oo aan awoodda iyo jaahu marna garabkiisa ka baxayn.
Saaxiibkiina waxa uu tusaale u yahay, ayuu leeyahay Sayid Qudb, ninka Mu’minka ah ee iimaankiisu sharafta u yahay, xusaya Rabbigii, nimcaduna tusiye iyo daliil u tahay Nimceeyaha, sidaa darteedna waajib ka dhigaysa mahadintiisa iyo xuskiisa, ee aysan ahayn in lagu madax adaygo oo lagu gaaloobo.
Bilowga qisadaba, Alle SWT wuxuu innoo sawirayaa nimcada iyo galladda uu siiyay ninkaa labada beerood leh.
Waa labo beerood oo cinab ah. Cinabku waa sida xabxabka (qaraha) iyo digirta oo wuxuu u baahan yahay saanqaaf iyo ulo loo taago oo uu ka dul baxo sidii cariishka. Labada beerood waxaa lagu wareejiyay, oo deyr u ah, geed timireed. Labadaa markii la isugu qoofalay, ayaa dhulkii hoose ee bannaanaan lahaana looga faa’iideeyay oo sarac iyo badar looga bixiyay. Waa labo beerood, oo isku dubbadhacay, oo aan dhulkii meelna dayac ahayn.
Si aan waraabintooda loogu hawshoonna, waxaa Alle dhexdooda uga dillaaciyay webi dhex qulqulaya oo beeraha u waraabiya.
Samakhshari (538H) wuxuu leeyahay: Qaabkani waa habka ay jecel yihiin ee ay doorbidaan beeraleyda cinabku: inay ku wareejiyaan geed midhood… waxaana Alle ka dhigay dhul kulmiyay quudkii iyo qudaartiiba (faakihadii). Waana dhis iyo cimaarad xidhiidhsan oo uusan kala goyn wax soo dhexgalaa — hannaan dalaysan iyo habayn qurxoonna loo dhigay. Ka dibna waxaa lagu waraabiyay wixii ugu habboonaa oo ah biyaha webi qulqulaya.
Waxaynuna ogsoon nahay in cinabku sidiisaba yahay biyo ilaa 80% oo biyo la’aan ma joogi karo. Marka biyahaa laga qallajiyana wuxuu isu beddelayaa sabiib.
وتأمل هذه الهيئة التي ذكر الله، فإن المرء لا يكاد يتخيل أجمل منها في مكاسب الناس: جنتا عنب أحاط بهما نخل، بينهما فسحة، هي مزدرع لجميع الحبوب ، والماء الغيل يسقى جميع ذلك من النهر الذي قد جمل هذا المنظر، وعظم النفع، وقرب الكد، وأغنى عن النواضح وغيرها.
المحرر الوجيز في تفسير الكتاب العزيز لابن عطية - 542 ھ
Intaasi waa wixii galay labada beerood ee waxsoosaarkoodi sidee noqday?
Alle SWT wuxuu sheegay in labadii beerood mid walbaa ay keentay waxsoosaarkeedi oo afka maraya, haba yaraatee waxna aysan ka dhimin, oo ay bixisay maxsuul 100% ah.
Isaga oo sidaa Alle ugu nimceeyay, oo haysta labo beerood oo isaga iyo saaxiibkiiba ka badnaan lahaa — oo sedkii labo nin sita —, ayaa halkii uu ka shukrin lahaa, uu ismahadiyay, oo wax isbiday, ka dibna inta uu qooqay, uu ku gaaloobay Allihii abuuray ee waxaaba siiyay. Saaxiibkiisi danyarta ahaana uu faan iyo fagfag la doontay: Anigaa kaa maal badan, dad ahaanna kaa laandheeraysan!
Hodhodho!
Markaasuu beertiisi galay isaga oo naftiisi dulmiyay.
Maxaa cinab ah!
Maxaa timir ah!
Maxaa badar ah!
Maxaa webi iyo biyo macaan ah!
Sayid Qudb wuxuu leeyahay: Alle wuxuu ka cabbiray waxsoosaarkii beeraha “kama aysan dulmin”, taas oo ku beegmaysa sida uu isagu naftiisa u dulmiyay ee halkii uu ka shukrin lahaa uu ka kibray.
“U malayn maayo in tani weligeed baaba’ayso,” ayuu isku mahadiyay.
Intaa kuma uusan joogsan e, Qiyaamihii iyo isa-soo-bixintii buu dafiray. Barwaaqadan meelna looga ma socdo oo waa lagu waarayaa — buu guddoonsaday.
Waa nin adduun khatalay e, wuxuu iska dhaadhiciyay in waxan uu ku helay karti iyo karaamo uu saaxiibkii dheer yahay. Oo xataa haddii aakhiro ay jirto, maba aaminsaniye, ayuu leeyahay: “wallee haddii Rabbigay la ii celiyana waxaan helayaa mid tan kaga wanaagsan munqalaban (meel loo geddoomo oo loo laabto).” Haddaan adduunka intanba ku helay aakhirana ka fiican baan helayaa oo waan mudnahay.
Sayid Qudb wuxuu leeyahay: labadii beerood baa indhihiisa buuxiyay, markaasuu faanay oo isla weynaaday, oo sidii diigga isgilgilay, oo sidii daawuuska iskala bixiyay, saaxiibkiina iska sarreysiiyay isaga oo leh: Anaa kaa hodansan dad ahaanna kaa laandheeraysan.
Waa tii Alle SWT ku tilmaamay suuradda Iqra’ (al-Calaq): “Kallaa! Insaanku wuu qooqaa marka uu isu arko in uu deeqtoomay.”
كَلَّآ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَيَطۡغَىٰٓ. أَن رَّءَاهُ ٱسۡتَغۡنَىٰٓ
Saaxiibkii oo adduun-araggiisa iimaanku qaabeeyay, ayaa hadalkii qaatay oo waano iyo waxsheeg kaga warceliyay faankii laga la duldhacay.
Sheekh Cabdinaasir X. Axmed (1443H) oo faalleynaya jawaabta Mu’minka ayaa wuxuu yidhi:
“Dardaaran aad u culus oo qiime badan oo dhaxalgal ah buu sheegay. Tawxiidkuu ka bilaabay oo meesha wax ka bilaabanayaan waa caqiidada, oo ninka caqiido xumaa haysay markuu ku faanay beertiisi iyo maalkiisi. Waa wax tan yar oo caqiidadiisaa liidata oo meel hoose ayuu ka fekeray.”
Sheekha oo faalladiisa sii wataa wuxuu yidhi:
“Kor buu ula baxay markaa isagu. Rabbigay waa Allaah, buu yidhi. Cidna la wadaajin maayo Isagaan ku kalsoonahay … War haddii Ilaahay beer ku siiyay, oo laguu nimceeyay, waxay ahayd — buu yidhi — markaad beertaa gasho, inaad tidhaahdo maashaa Allaah, … Oo inaad tidhaahdo Ilaahay baa waxan gartay oo nicamdan iyo barwaaqadan i siiyay, ee jeebkaaga iyo xoog aad leedahay kala ma aadan iman, laa quwata illaa billaah, wax awood ahna ma lihid, — oo wax awood ah oo aynu leennahay, oo ama macsi aad kaga dhex baxdo, ama daacaad aad ku jirto aad ku ilaashato, haddaan Ilaahay kuu siin ma lihid, oo nimcadan aad hadda haysato, haddaan Ilaahay kuu ilaalin, oo laguu raajin, saad sheegatay maahee; “u malayn maayo inay dhammaanayso” waa iska sheeko. Ilaahay baa hawshan maamulee taada maaha, — waa inaad tidhaahdid laa quwata illaa billaah.”
Sheekhu wuxuu soo qaadanayaa xadiis Nebiga ﷺ labo weedhood laga soo wariyay, oo tilmaamaya ahmiyadda ay leedahay inaan awoodda u tiirinno Alle SWT, oo Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:
* ألا أدلك على كنز من كنوز الجنة؟ لا قوة إلا بالله.
* ألا أدلك على كنز من كنوز الجنة؟ لا حول ولا قوة إلا بالله.
‘Ma ku tusaa kayd ka mid ah kaydadka Jannada: Laa quwata illaa bilaah,’ ama Laa xaqla walaa quwata illaa billaah.
Sheekh Cabdinaasir oo hadalkiisi sii wataa wuxuu leeyahay:
“Waa cuskasho weyn oo uu addoonku muujinayo in uu Ilaahay cuskanayo. Markaa wuxuu yidhi maad saa tidhaahdid oo markaa Ilaahay baa kuu badbaadinaya xoolahan iyo waxan. Waxaa kale oo uu sheegay … ‘haddii aad igu aragtay, oo aad tidhi waad xoolo yar tahay oo waad awlaad yar tahay, waxaa Rabbigay mudan yahay, ayuu yidhi, in uu i siin doono waxan wax ka fiican.’ Sow ma aragtid adduunba ka hadli maayo.
‘Waxan aad ku faanaysaana waxay noqon doontaa mid Ilaahay halaago oo baabi’iyo, oo markaa ay noqoto, baa suuragal ah, meel ciid ah oo lagu simbiririxdo… Baaba’ meel aan geedba ka bixin inay noqoto ayaa dhici karta. Amase waxaaba suuragal ah in biyaha la fogeeyo oo meel fog intay tagaan aan wax soo saari karaa jirin… Ilaahay sidaasuu yeeli karaa.’ Markaa qudraddii Ilaahay buu tusaale ka siinayaa. Oo waa tii aayaddu ahayd:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَصۡبَحَ مَآؤُكُمۡ غَوۡرٗا فَمَن يَأۡتِيكُم بِمَآءٖ مَّعِينِۭ
Haddii biyihii laga dhigo kuwo aad u fog oo gunta galay, yaa idiin la imanaya biyo il ah oo durduraya oo meel dhow aad ka qaadataan?
Ninkaasi markaa si caqligal ah oo tusaalayn ah buu ula hadlay ninkii.” Ayuu sheekhu yidhi.
[Soo gaabin iyo dib u qor aad u yar ayaan ku sameeyay hadalka sheekha meelaha qaar. Cajalka 206t].
Nimcadii uu ku shukrin waayay waxay isu geddiday niqmah.
Mu’minkii uu ku kibrayay baa afkiisi loo qaaday oo sidii uu tilmaamay ayaa wax u dhaceen.
Labadii beerood ee qiimiga iyo qaayaha weynaa, ciqaab Alle baa hareereeyay oo dukumdaakum ka dhigay.
Muuqaalkii barwaaqada ee la innoo sawiray waxaa xigay muuqaalka burbur iyo baaba’ baahsan (وَهِيَ خاوِيَةٌ على عُرُوشِها), oo halkii ildoogsiga lahayd markan ishu ay ka naxayso. Rucubyadii cinabka ee saanqaafta ka soo laalaaday iyo cariishyadiiba way isla dumeen.
Murugo iyo caloolgubad buu ninkii kibrayna sacabbo madhan isla dhacayaa!
Tacab khasaar weynaa!
Shirkigii iyo gaalnimadii buu ka shalleynayaa xilli aysan waxba u tarayn.
Caku iyo hooggeygee maxaan Rabbigay cid wax ula wadaajiyay! Ayuu ku calaacalay.
Ma qoomamaa wax u taraysa.
Waa’ baas baa ku baryay.
Noloshii baa ku duntay.
Mu’minkii uu xaqirayay baa hadda dhaama.
Tolkii iyo tiro badnidii uu ku faanayay uma gargaarin.
Carruurtii badnaydna hadda waxay ku noqonayaan culays iyo afaf waxay cunaan ka sugaya.
Hadraawi oo xaaladdan sawirayaa wuxuu maansada Af-ku-siran ku leeyahay:
“Dadku waa addoomoo
Lama siin awoodaha
Alle lagaga maarmee
Keli lagu ahaadee
Ha illaawin baqashada.”
U fiirso bilowgii suuradda sidii Alle innoogu sheegay in uu adduunka u qurxiyay si la isugu imtixaano, hadhowna uu ka dhigi doono ban siman oo quruxdii laga xayuubiyay. Labadii beerood ee ninkani wixii ay qurux lahaayeen, webigii dhex qulqulayay, carrasankii aan dalagga waxba ka dhimayn,… wixiiba waxaa laga dhigay waxbayahay. Sidaa uu murugo darteed sacabbada isu la dhacayo tacabkii ka khasaaray awgii, ayaa qofkii adduunka israaciyaana uga shallaayi doonaa maalin aysan waxba tarayn.
Nin baa laga hayay: “Adduun i khatal!”
Immika ayaa fursaddii laabashadu furan tahay. Fariidku waa kii naftiisa xisaabiya ee u shaqeeya waxa geerida ka dambeeya, sidii uu Rasuulku ﷺ ku sheegay xadiis.
Xaaladda ninkani waxay aad u shabbahdaa xaaladdii Qaaruun ee Alle ku faahfaahiyay dhammaadka suuradda Qasas.
Qaaruun ayaa sidan oo kale u qooqay markii Alle siiyay hanti heerka ay badnaan ka joogto, ay furayaasheeda koox rag ah oo xoog lihi isu kaalmaystaan. Markii iswaalkiisa la arkay ee lagu la taliyay: War tartiibso, Alle ma jecla kuwa qooqee! Oo wixii Alle ku siiyay aakhiro ku doono, qaybtaada adduunkana ha hilmaamin, sida Alle kuu wanaajiyayna wax u wanaaji, dhulkana ha fasahaadin Alle ma jecla mufsidiintee.
Waa kii faan la soo kala baxay: Aqoontaydaa la igu siiyay!
Alle wuxuu yidhi: miyuusan ogaan in Alle hortii halaagay quruumo isaga ka awood badnaa kana hanti badnaa! Dunuubtoodina mujrimiinta wax laga weydiin maayo.
Markaasuu Qaaruun bandhig iyo tamashleyn u soo baxay isaga oo wixii qurux iyo siino uu hayay isku soo rogay, si uu dadka ugu indhasarcaadiyo. Dadkii baa labo noqday oo intii indha-ku-garaadlaha ahayd ay hiyikacday oo u hanqaltaagtay waxaas Qaaruun loogu nimceeyay, halka indheergaradkii doorbideen Alle agtiisa iyo abaalmarintiisa.
Markaasaa Qaaruun iyo daartiisiba dhulka lala gooyay!
“Alle sokadii ma uusan lahayn koox u gargaara, isna ma ahayn kuwa iskood gargaarsada!”
Indhowgaradkii shalay booskiisa raadinayay cashar bay u noqotay. Alle ayaa risiqa u fidiya ciddii uu doono addoomihiisa ama ku yareeya — haddii aan Alle galladdiisa na siinna dhulkuu nala jari lahaa, gaaladuna liibaani maayaan, ayay garowshiiyo u yidhaahdeen.
Alle SWT waxa uu dulucda sheekadaas innagu leeyahay: “Taasi waa Daarta Aakhiro oo waxaan u yeelaynaa kuwa aan sarreyn iyo fasaad adduunka ka doonayn, cidhibta sanna waxay u ahaatay Mutaqiinta.”
۞ إِنَّ قَارُونَ كَانَ مِن قَوْمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيْهِمْ ۖ وَآتَيْنَاهُ مِنَ الْكُنُوزِ مَا إِنَّ مَفَاتِحَهُ لَتَنُوءُ بِالْعُصْبَةِ أُولِي الْقُوَّةِ إِذْ قَالَ لَهُ قَوْمُهُ لَا تَفْرَحْ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْفَرِحِينَ (76) وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الْآخِرَةَ ۖ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا ۖ وَأَحْسِن كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ ۖ وَلَا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الْأَرْضِ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ (77) قَالَ إِنَّمَا أُوتِيتُهُ عَلَىٰ عِلْمٍ عِندِي ۚ أَوَلَمْ يَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ قَدْ أَهْلَكَ مِن قَبْلِهِ مِنَ الْقُرُونِ مَنْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُ قُوَّةً وَأَكْثَرُ جَمْعًا ۚ وَلَا يُسْأَلُ عَن ذُنُوبِهِمُ الْمُجْرِمُونَ (78) فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ فِي زِينَتِهِ ۖ قَالَ الَّذِينَ يُرِيدُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا يَا لَيْتَ لَنَا مِثْلَ مَا أُوتِيَ قَارُونُ إِنَّهُ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٍ (79) وَقَالَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ وَيْلَكُمْ ثَوَابُ اللَّهِ خَيْرٌ لِّمَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا وَلَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الصَّابِرُونَ (80) فَخَسَفْنَا بِهِ وَبِدَارِهِ الْأَرْضَ فَمَا كَانَ لَهُ مِن فِئَةٍ يَنصُرُونَهُ مِن دُونِ اللَّهِ وَمَا كَانَ مِنَ الْمُنتَصِرِينَ (81) وَأَصْبَحَ الَّذِينَ تَمَنَّوْا مَكَانَهُ بِالْأَمْسِ يَقُولُونَ وَيْكَأَنَّ اللَّهَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ ۖ لَوْلَا أَن مَّنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا لَخَسَفَ بِنَا ۖ وَيْكَأَنَّهُ لَا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ (82) تِلْكَ الدَّارُ الْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا ۚ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ (83)
Hadda in badan oo innaga mid ah ayaa xaaladdan ku sugan oo ay noloshiiba u noqotay hanti la ururiyo iyo carruur la dhalo, oo faan iyo ismacnayn mooyaane, aan yool kale ka dambayn.
Waxaad arkaysaa kuwo amarka iyo nahyiga Diinta aan u aabayeelin, oo ganacsigooda aan xalaal iyo xaaraan dan ka yeelan, laakiin guurka badan iyo carruurta marka ay joogto ku andacooda inay sunnadii Suubbanaha ﷺ dhaqangalinayaan!
Ogobeey! Xisaabtu ma aha tirada oo keli ah ee tayada ayaa ka horreysa (xusuuso xadiiskii in ummaduhu sidii xeedho isugu keen yeedhan doonaan, aysanna ahayn yaraan darteed, ee aynu badan nahay, laakiin aynu nahay wax macnadaran sida daadxoorta)
Suuradda Saba’ Alle SWT wuxuu innoogu sheegay in marka Nebi dadka u diga la soo diro, ay kuwa barwaaqaystay ee kashbacay odhan jireen: ‘Annagu waanu ku gaalownay wixii la idin la soo diray! Waxayna yidhaahdeen: Annagaa hanti iyo ubadba u badan, nala mana cadaabayo!’
Markaas ayaa Alle yidhi: “Dheh— Rabbigay baa ciddii uu doono risiqa u fidiya kuna yareeya, laakiin dadka badankoodu ma oga.”
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ كَافِرُونَ (34) وَقَالُوا نَحْنُ أَكْثَرُ أَمْوَالًا وَأَوْلَادًا وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ (35) قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ وَيَقْدِرُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (36)
Intaa ka dib Alle SWT wuxuu inna barayaa waxa la isku dhaafay in aysan hanti iyo carruur ahayn: “Xoolihiinna iyo ubadkiinnu ma aha waxa Agtayada idiin soo dhoweynaya, marka laga reebo mid rumeeyay oo camal wanaagsan sameeyay — kuwaasi waxay leeyihiin abaalmarinta jibbaaran wixii ay faleen awgii, waxayna aamin ku yihiin qolalka [Jannada]. Kuwase u rooraya in ay aayadahayaga buriyaan, kuwaas cadaabtaa lagu xaadirinayaa. Dheh: Rabbigay baa risiqa u fidiya ciddii uu doono ee addoomihii ka mid ah kuna yareeya, wixii aad bixisaanna wuu idiin beddelayaa, inta wax arsaaqdana waa Ka ugu wanaagsan.”
وَمَا أَمْوَالُكُمْ وَلَا أَوْلَادُكُم بِالَّتِي تُقَرِّبُكُمْ عِندَنَا زُلْفَىٰ إِلَّا مَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ لَهُمْ جَزَاءُ الضِّعْفِ بِمَا عَمِلُوا وَهُمْ فِي الْغُرُفَاتِ آمِنُونَ (37) وَالَّذِينَ يَسْعَوْنَ فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ فِي الْعَذَابِ مُحْضَرُونَ (38) قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ لَهُ ۚ وَمَا أَنفَقْتُم مِّن شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ (39)
Waa halkii Hadraawi lahaa:
“Ha ku eeran bixisada
Marba lagu ag dhigayee
Ajashaadu sudhan tahay.”
…
“Wuxu waa adduunyoo
Lama sudho agtaadee
Waa la aakhireeyaa.”
—Hadraawi: Af-ku-siran.
Abwaanku isaga oo fasiraya intan wuxuu raaciyay: “Intaa waa lagu xujaynayaa,”.
Siismada iyo diidmada Alle waa xujayn iyo imtixaan, oo cid uu jecel yahay baa la qadiyaa, cid uusan jeclaynna waa loo qotomiyaa, caksigeedana kuwo uu jecel yahay baa loo buuxshaa, kuwo kalana faro madhnaan baa la dhigaa.
Hadraawi wuxuu leeyahay usha intaas oo jeer markii agteenna lagu dhufto, ee aynu wax ku qaadan wayno, ayaa korkeenna lagu dhuftaa.
Waa ta Alle SWT ku leeyahay suuradda al-Acraaf: Nebi kasta oo aan degmo u soo dirnay, dadkeedi waxaan qabadsiinnay belo iyo dhibaato si ay isu dhuldhigaan. Ka dibna booskii dhibta waxaan ugu beddelnay wanaag (barwaaqo iyo bashbash), ilaa ay kabteen oo bateen, oo ay yidhaahdeen: Aabbayaashayaba abaar iyo aaran way marayeen (oo wax weyn ma aha!), markaasaan kedis u qabannay iyaga oo aan dareemayn.
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّبِيٍّ إِلَّآ أَخَذۡنَآ أَهۡلَهَا بِٱلۡبَأۡسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ لَعَلَّهُمۡ يَضَّرَّعُونَ. ثُمَّ بَدَّلۡنَا مَكَانَ ٱلسَّيِّئَةِ ٱلۡحَسَنَةَ حَتَّىٰ عَفَواْ وَّقَالُواْ قَدۡ مَسَّ ءَابَآءَنَا ٱلضَّرَّآءُ وَٱلسَّرَّآءُ فَأَخَذۡنَٰهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
Mar kale Alle wuxuu leeyahay:
“Markii ay illaaween wixii lagu waaniyay, waxaan ku furnay albaabbada wax kasta (oo barwaaqo iyo nimco ah), ilaa ay kaga farxeen wixii la siiyay, markaasaan kedis u qabannay, saa waa iyagii oo afkalaqaad ku sugan (halaagsamay oo wax ay ku hadlaan garan la’).”
فَلَمَّا نَسُواْ مَا ذُكِّرُواْ بِهِۦ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَبۡوَٰبَ كُلِّ شَيۡءٍ حَتَّىٰٓ إِذَا فَرِحُواْ بِمَآ أُوتُوٓاْ أَخَذۡنَٰهُم بَغۡتَةٗ فَإِذَا هُم مُّبۡلِسُونَ
Waa tii aynu bilowga suuradda ku soo marnay in adduunka loo bilay oo loo qurxiyay in la isku imtixaano. Barwaaqada iyo badhaadhaha adduunku waa imtixaan. Belada iyo baaska adduunkuna waa imtixaan.
Yaa ku kedsoomaya oo ku dhex barriiqan doona?
Yaa ka saahidaya, oo halkii uu agtiisa sudhi lahaa, aakhiraysanaya? “Wixii aad bixisaanna wuu idiin beddelayaa; وَمَا أَنفَقْتُم مِّن شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ”
“Isa siinta taadiyo
Anigiyo anaa huba
Runtu kuma idlaatoo
Ikhtiyaarka gaarka ah
Cidi kuma ahaatoo
Qof iskii ismahadshaa
Maba jiro adduunkee
Asalkeeda garashada
Ha ka dhigin ogaalkaa.
Haddii looga awr-dayo
Sadarrada agnaanka ah
Lama helo asaaskee
Waxa lagu ilaashaa
Isir-barashadeediyo
Wacad oofintaadee
Aayaheeda weligaa
Hanashada ku eel-saar.
Oogsigeeda faralka ah
Xaajadeeda ugubka ah
Lama-aragta kowda ah
Ku arrimi xadkeedii
Marba loo akhriyi jirey.
Ma irmaana weligeed
Igadh maaha yu'ashada
Lagu ibo-salaaxee
Marka ay asooshiyo
Markay uurka leedahay,
Ilma-rogashadeediyo
Ku baxnaani iimaan.”
—Hadraawi: Af-ku-siran.
#Dhambaalka_Jimcaha