Dhambaalka Jimcaha — 43 | 21 Ramadaan 1446 | 21 Maaj 2025
Suuradda al-Kahf (Godka)- 3 | Imtixaanka iimaanka
Dhalinyartii Asxaabul Kahfi waxaa isu qaban waayay noloshii adduunka iyo inay iimaankooda ilaashadaan. Waxaa arrinkii la gaadhay inay kala doortaan gaalnimo ay bulshadooda ku dhex jiraan, adduunka siinadiisa iyo dhaldhalaalkiisana ku raaxaystaan, iyo inay iimaankooda dhowrtaan adduunkana ka tanaasulaan. Kan dambe ayayna doorteen.
Quruxda iyo dhaldhalaalka adduunka ee la isku imtixaanayo kuma aysan kedsoomin, adduunkuna ma khatalin, ee waalid iyo ehel, hoy iyo hanti, magac iyo maamuus, guri iyo garasho, … waxay ku beddesheen god cidla’ ah. Laakiin, ciirsi la’aan ma aysan ahayn. Rabbigood, Rabbiga samaawaadka iyo arlada ayay u qayladhaansadeen.
فَقَالُواْ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةٗ وَهَيِّئۡ لَنَا مِنۡ أَمۡرِنَا رَشَدٗا
“Noo fududee waxa aan rabno ee aan raadinayo ee ah raalli ahaanshahaaga iyo ka cararka ku gaaloobiddaada, iyo caabuditaanka sanamyada ay qoomkayagu noogu yeedhayaan, naguna toosi inaan ku dhaqanno waxa aad jeceshahay.” Ayuu Dabari (310H) ku fasiray ducadooda.
U fiirso, inta ay ducaysteen isma aysan dhigan ee fal iyo ficil ayay ku dareen ducadii iyo talo saarashadii Alle. Ninkii Nebiga ﷺ u yimid ee weydiiyay: “Hashayda dabar la’aan intaan sii daayo ma tawakalaa?” Nebigu ﷺ wuxuu hadal ugu soo koobay: “Dabar oo tawakal.”
قال رجُلٌ لِلنَّبيِّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم: أُرسِلُ ناقتي وأتوكَّلُ ؟ قال : اعقِلْها وتوكَّلْ .
Ma aysan oggolaan in hirka nolosha iyo rabitaanka bulshadoodu ay iska sitaan sidii daadxoor la socota daad rogmanaya e, waxay doorteen inay mawjadda ka hor tagaan. Mana aysan noqon gurdanraac hadba wixii cusub iska calmada oo marba dhankii xayntu u yaacdo ula yaaca. Intii ay ku danseegi lahaayeen waaqac cid kale samaysay, waxay go’aansadeen inay samaystaan waaqac dantoodu ku jirto.
DHAMBAALKA JIMCAHA — 7: Samaynta Waaqaca
Halbeegga guushu, marka Islaamka la joogo, ma aha in sidaad rabtay kuu hirgasho oo aad cadowgaaga cagta marisid.
Guushu way ka gudo ballaadhan tahay intaas.
Sidii aynu hore ugu soo marnay aayadda toddobaad, adduunkan waxaa loo joogaa imtixaan, cidda ku gudbaysaana waa ciddii ugu camal wanaagsan. Ma aha ciddii ay u hirgasho wixii ay rabtay. Hawshii lagaa rabay haddii aad qabatid, waajibkii ku saarnaana aad xambaartid — guul baad joogtaa, xataa haddii aysan wax kale kuu hirgalin.
Waxaa Qiyaamaha iman doona Nebi aan hal qofna rumayn oo keligii taagan. Waxaa imanaya Nebi hal qof ama labo la socdaan. Natiijada la innama saarin ee dedaalkeenna shakhsiga ah ayaa la innaga rabaa intii aynu awoodno.
Tallaabadii hore ayay qaadeen, oo Alle ayay rumeeyeen, markaasaa Alle iimaan iyo hanuun u kordhiyay. Qofku waa in uu isdirid iyo isxilqaan leeyahay ee uusan meel soo fadhi xumaan isaga oo nasri iyo guul sugaya.
Alle dedaalkoodi ayuu u kabay oo u xoojiyay, oo qalbiyadaa loo adkeeyay si ay ugu dhabar adaygaan oo ay ugu sabraan wixii dhibaato soo wajaha.
وَرَبَطْنَا عَلَى قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُواْ
Hiilka Alle SWT qofka u hiiliyo ayay ka mid tahay in lagu ilhaamiyo sabar iyo dulqaad uu imtixaanka nolosha kaga gudbo. Waa xoojin iyo taageero Alle innagaga gudbinayo caqabadaha innaga hor istaagi kara guushii nolosha iyo ka gudbidda imtixaanka aynu noloshan adduun ku marayno.
Dagaalkii Beder, iyada oo Muslimiintu wajahayaan col ka cudud iyo cataad badan, oo dagaal aysan ku talagalin gondahooda ka dillaacay, hiilkii iyo gurmadkii Alle ee ay heleen waxaa ka mid ahayd in Alle qalbiyada u adkeeyay, cagahoodana dhulka ku xejiyay.
وَلِيَرْبِطَ عَلَى قُلُوبِكُمْ وَيُثَبِّتَ بِهِ الأقدام
Sidaa oo kale, Nebi Muuse CS hooyadii markii ay webiga ku ridday ee biyihii la tageen, ee ay is-hayn wayday, Alle SWT wuxuu yidhi: “Waxay ku sigatay inay sheegto haddii aannan qalbigeeda adkayn lahayn si ay uga mid ahaato Mu’miniinta,”
وَأَصْبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَى فَارِغاً إِن كَادَتْ لَتُبْدِى بِهِ لَوْلا أَن رَّبَطْنَا عَلَى قَلْبِهَا لِتَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
Meelaha lagu siibto ee lagu kala daato, in Alle qalbigaaga iyo qadamkaaga sugo, oo aad hal-adayg hanato, waa hiil Alle iyo deeq aan cid kasta la siin. Tan lidkeeda, Alle SWT waxa uu innoo sheegay in ay dadka ka mid yihiin kuwo Alle ku caabuda labalabayn, oo haddii wanaag haleelo ku xasila, haddii fidno ku habsatana kala jeesta — “Wuu khasaaray adduun iyo aakhiraba; kaasi waa khasaaraha qayaxan.”
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَعۡبُدُ ٱللَّهَ عَلَىٰ حَرۡفٖۖ فَإِنۡ أَصَابَهُۥ خَيۡرٌ ٱطۡمَأَنَّ بِهِۦۖ وَإِنۡ أَصَابَتۡهُ فِتۡنَةٌ ٱنقَلَبَ عَلَىٰ وَجۡهِهِۦ خَسِرَ ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةَۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡخُسۡرَانُ ٱلۡمُبِينُ
Dhalinyartii Asxaabul Kahfigu si kalsooni, dhiirranaan, iyo hal-adayg leh ayay qoomkoodi uga dhex istaageen oo ay tawxiid ugu dhawaaqeen. Shirkiga iyo sanam caabudku inay macnadarro yihiin, wax xujo ahna aan loo hayn, cidda cibaadada mudanna ay tahay Rabbiga samaawaadka iyo arlada ayay ku dhawaaqeen. Waxay ku adkaysteen: Alle cid ka sokeysa oo aan ilaahnimo u baryaynaa ma jirto; haddii aan sidaa yeelnana meel daran baan afka saarnay oo waan dabayshannay. Wax aan xujo cad loo hayn in caabudaa caqli ma aha, Alle in lagu been abuurtaana waa dulmi iyo xadgudub aad u weyn.
Intaa ka dib, waxaa muuqata in iskudhac halkaa ka dhashay, kaas oo gaadhsiisnaa in aysan bulshadoodi ku sii dhex noolaan karin. Aayadaha 19-20 ayaan ka dheehanaynaa in ay naftoodi halis ku jirtay oo markii ay soo tooseen, ee midkood ay cuntada u dirsanayeen, waa kuwa kula talinaya in uu taxaddaro oo uusan cidna dareensiin arrinkooda. Sababtuna waa in la dili doono ama shirkigii lagu qasbi doono haddii la helo.
Dhalinyartani iimaankoodi bay la carareen, god kula dhuunteen, Allana waxay ka baryeen in uu arrinkooda sidii san uga dhigo.
Iyaga oo aan asbaabtii nolosha iyo maciishadda meel ku ogeyn bay Alle dartii u haajireen. Alle SWT ayaa noloshoodi dammaanadqaaday oo xataa qorraxdii u sakhiray oo u hadoodilay. Sidii ay ka filanayeen ayaa Alle SWT u yeelay. Waana halka Alle SWT uu xadiisul qudsiga ku yidhi: “Waxaan ahay halka addoonkaygu iga filanayo, waxaanna ahay la jirkiisa marka uu i xuso, oo haddii uu naftiisa igu xuso naftaydaan ku xusaa, haddii uu gole igu xusana gole ka khayr badan baan ku xusaa. Haddii uu taako ii soo dhowaadana dhudhun baan u dhowaadaa, haddii uu dhudhun ii soo dhowaadana baac baan u dhowaadaa. Haddii uu socod iigu yimaaddana ruclayn baan ugu tagaa.”
أنا عِنْدَ ظَنِّ عَبْدِي بي، وأنا معهُ إذا ذَكَرَنِي، فإنْ ذَكَرَنِي في نَفْسِهِ ذَكَرْتُهُ في نَفْسِي، وإنْ ذَكَرَنِي في مَلَإٍ ذَكَرْتُهُ في مَلَإٍ خَيْرٍ منهمْ، وإنْ تَقَرَّبَ إلَيَّ بشِبْرٍ تَقَرَّبْتُ إلَيْهِ ذِراعًا، وإنْ تَقَرَّبَ إلَيَّ ذِراعًا تَقَرَّبْتُ إلَيْهِ باعًا، وإنْ أتانِي يَمْشِي أتَيْتُهُ هَرْوَلَةً.
Dhalinyartii in yar nasta iyaga oo isleh bay jiifsadeen, si ay hadhow uga fekeraan waxa xiga.
Alle SWT wuxuu ugu hiiliyay in uu seexiyay in ka badan saddex boqol oo sano. Lac. Dug. Ducadoodi jawaabteedi waxay noqotay in hurdo lagu caymiyo. Hurdo caadi ah xataa ma aysan ahayne, Alle SWT wuxuu ku fasaxay tii hurdo ahayd.
فَضَرَبۡنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمۡ
Thaclabii (427H) tafsiirkiisa wuxuu ku leeyahay weedhani waxay ka mid tahay aftahammada Quraanka ee ay Carabtii qirtay in ay ka gaabiyeen la imaatinka wax u dhigma, macnaheeduna waa in Alle seexiyay oo ku riday kuna salliday hurdo. Ibnu Caashuur (1393H) wuxuu raacinayaa in weedhani Quraanka ku gaar tahay oo aan ka hor Carabtu sidan wax u cabbiri jirin.
Maxaase Alle dhegta ula xidhiidhiyay hurdada? Indhihii meeye? Ibnu Cadiyah (542H) wuxuu leeyahay: Dhegtu waa xubinka inta badan keena in hurdadu qasanto, sida badanna waxa dadka toosiyaa dhanka dhegta ayay uga yimaaddaan, qofkuna hurdo ku ledi maayo haddii aan maqalku hawlgabin. Intaa wuxuu raacinayaa in Nebiguna ﷺ xidhiidhiyay hurdada iyo dhegta, oo markii uu tilmaamayay nin hurdo culus oo aan qiyaamu layl u kacayn wuxuu yidhi: “Kaasi waa nin shaydaanku dhegta kaga kaajay!”
ذُكِرَ عِنْدَ رَسولِ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عليه وسلَّمَ رَجُلٌ نَامَ لَيْلَةً حتَّى أَصْبَحَ، قالَ: ذَاكَ رَجُلٌ بَالَ الشَّيْطَانُ في أُذُنَيْهِ، أَوْ قالَ: في أُذُنِهِ.
Markii la seexiyay, qorraxdii baa loo sakhiray in aysan kulalkeeda dareensiin oo ay marba dhinac ka marto iyadoon toos ugu dhacayn, islamar-ahaantaana godkii diirinaysa, hawadiisana nadiifinaysa oo neecaw laydhisa u soo galinaysa, si aan hawadu isu beddelin oo aysan ugu dhibaatoon.
“Cadceeddu dorraad ma dhalan
Kulkeeda dawaa ku shuban
Ifkeeda Run baa ku duxan,”
— Hadraawi: Dabahuwan.
Hurdadaas dheer si aan dhulku jidhkooda u cunin, Alle waxa uu yidhi waxaan u gedgeddinaynay midig iyo bidix iyaga oo aan marna toosayn.
Godkii ay ku jireenna waxaa laga dhigay goob dhowran oo caaggan oo qofkii u soo dhowaadaa iskii uga cararayo, si aan warkooda loo ogaan ilaa laga gaadhayo xilligii Alle u asteeyay.
وَاللَّهُ غَالِبٌ عَلَىٰ أَمْرِهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Qudrada Ilaahay, saddexdaa boqol ee sano ee ay hurdeen midh kama beddelin muuqoodi iyo maskaxdoodi, oo markii ay tooseen waa kuwaa isweydiinaya intii ay hurdeen, ee isugu warcelinaya maalin ama maalin badhkeed uun baynu seexannay. Markaas uun bay gaajo iska dareemeen, oo ay doondooneen wax ay cunaan. Waxaadna u fiirsataa, iyaga oo naftoodi la dhuumanaya oo ka cabsi qaba in dhagax lagu dilo ama gaalnimo lagu qasbo, haddana waxay ka fekerayaan nooca cunto ee ay cunayaan. Midkoodi ay dirsanayeen bay ku leeyihiin: Meesha ugu cunto hufan (أزكى), yacnii — ugu cunto xalaalsan ee ugu dayibsan. Ma aysan odhan ‘ugu cunto macaan’ ama ‘ugu cunto jaban’.
Qofka mabda’ caqiido iyo Islaamnimo xambaarsani waa in uu ka fiirsadaa waxa uu quudanayo ee uu jidhkiisa ku korinayo. Nebigu ﷺ waa kii xadiiska ku lahaa: “Alle waa Dayib mana aqbalo wax aan dayib ahayn; Allana wuxuu Mu’miniinta faray wixii uu faray Mursaliinta oo wuxuu yidhi: “Rusuleey, dayibaadka wax ka cuna wanaagna sameeya,”. Wuxuuna yidhi: “Kuwa rumeeyoow dayibaadka aan idin ku arsaaqnay wax ka cuna,”. Intaa ka dib Nebigu ﷺ waxa uu sheegay nin socdaal ku dheeraaday oo basaasan oo habaas weyn oo gacmihiisa kor u taagaya: Rabbiyoow, Rabbiyoow — iyada oo quudkiisu xaaraan yahay, cabbitaankiisu xaaraan yahay, hugiisu xaaraan yahay, xaaraanna lagu koriyay, ee bal sidee kaas loo ajiibayaa?!”
إِنَّ اللَّهَ طَيِّبٌ لَا يَقْبَلُ إِلَّا طَيِّبًا وَأَنَّ اللَّهَ أَمَرَ المؤْمنينَ بِمَا أمرَ بِهِ المرسَلينَ فَقَالَ: (يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنَ الطَّيِّبَاتِ واعْمَلوا صَالحا) وَقَالَ: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ) ثُمَّ ذَكَرَ الرَّجُلَ يُطِيلُ السَّفَرَ أَشْعَثَ أَغْبَرَ يَمُدُّ يَدَيْهِ إِلَى السَّمَاءِ: يَا رَبِّ يَا رَبِّ وَمَطْعَمُهُ حَرَامٌ وَمَشْرَبُهُ حَرَامٌ وَمَلْبَسُهُ حَرَامٌ وَغُذِّيَ بِالْحَرَامِ فَأَنَّى يُسْتَجَابُ لِذَلِكَ؟.
Diin baan hammigeeda xambaarsanahay oo aan rabaa inaan hirgaliyo, haddana xalaal iyo xaaraan iima kala soocna, waa labo aan isqaban. “Dadkuba waa wada cunayaan” ma aha qiil. Mabda’a iyo qadiyadda aad xambaarsan tahay baa kaa duwaya dadka kale, oo ku saaraya masuuliyad iyo isdhowrid dheeraad ah.
Dibadyaal - Cuzlah
Maalinta iimaankaagi qiirqiir galo, maxaad samayn? Adduunka inaad ka dhaqaaqdid oo aad Alle dooratid ma laga yaabaa? Qisada Asxaabul Kahfi Alle SWT wuxuu innagu siinayaa tusaale dhab ah oo aan ku dayan karno, kana dabqaadan karno haddii xaaladdan oo kale ay innagu timaaddo.
Qurdubi (671H) wuxuu leeyahay waxaa halkan ku cad in diinta lala cararo oo laga hijroodo ehel, ubad, qaraabo, asxaab, waddan, iyo hantiba iyada oo laga cabsanayo fidno iyo mixnadda dadku la kulmaan. Nebiguna ﷺ diintiisi isaga oo la baxsanaya ayuu Makah ka tagay oo uu god u galay iyada oo raadkiisa lagu joogo, laakiin Alle ayaa ka indhasaabay.
Abuu Bakar RC ayaa Nebiga ﷺ ku yidhi: Haddii midkood lugihiisa hoos u eego wuu inna arkayaa! Markaas ayaa Nebigu ﷺ ku yidhi: Abuu Bakaroow maxaad u malaynaysaa labo uu Alle saddexeeyo?
قُلتُ للنَّبيِّ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ وأَنَا في الغَارِ: لو أنَّ أحَدَهُمْ نَظَرَ تَحْتَ قَدَمَيْهِ لَأَبْصَرَنَا، فَقَالَ: ما ظَنُّكَ يا أبَا بَكْرٍ باثْنَيْنِ اللَّهُ ثَالِثُهُمَا؟!
Waana halka Alle SWT ku yidhi suuradda Tawbah: “Haddii aad u hiilin waydaan, xaqiiqdii Alle ayaa u hiiliyay markii ay kuwii gaaloobay bixiyeen isaga oo labo kooda labaad ah, kol ay godka ku jireen mar uu ku odhanayay saaxiibkii: ‘Ha murugoon Alle ayaa inna la jiree.’ Markaas ayaa Alle ku soo dejiyay xasilloonidiisa kuna xoojiyay ciidan aydaan arkayn; kuwii gaaloobay weedhoodina wuxuu ka dhigay midda hoosaysa, kalmadda Allana waa midda sarreysa. Allana waa Caziiz Xakiim ah.”
إِلا تَنْصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّهَ مَعَنَا فَأَنزلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَى وَكَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Saxaabaduna sidaas oo kale ilaa Xabasha waa kuwii diintooda ula baxsanayay. Waddan, daaro, ehel, awlaad, qaraabo, iyo walaalaba waxay uga hijroodeen inay diintooda la badbaadaan oo ay ka caymadaan fidnadii gaalada. Waana isla xilligan ay dhibtii ugu darnayd ku jireen marka ay suuraddani soo degayso, ee ay siinayso tusaale ay ku daydaan, iyo qiso ay ku cibro qaataan, kuna samraan.
“Ka dib waxaa imaanaysa qisada Asxaabul Kahfi, iyada oo soo bandhigaysa hogatusaalaynayta iimaanka quluubta mu’minadda ah — siday ugu xasilayso, ee ay uga doorbidayso quruxda adduunyada iyo raaxadeeda, ee ay ula magangalayso godka marka ay ku adkaato in ay iimaankaas dadka kula dhex noolaato; iyo sida Alle u ilaalinayo nafahan rumeeyay, ee uu fidnada uga dhowrayo, naxariistana ugu gadaamayo.”
— Sayid Qudb: Fii Dilaalil Qur’aan.
Fityatun …
Dhalinyartu waa cududda iyo tamarta isbeddel dhalisa, ee hirgalisa, meelmarintiisa had goor kaalinta koowaad ka ah.
Saxaabadu RC dhalinyaro ayay u badnaayeen. Badanaa markaan dhalinyarta saxaabada ka hadalno waxaan xusuusannaa Cali RC iyo Mucaad RC iyo Usaama ibnu Sayd RC …. laakiin, bilowgii Islaamka Cumar RC wuxuu ahaa barbaar labaatan-jir ah, markuu soo Islaamayna ilaa 25-jir ayaa lagu qiyaasaa. Abuu Bakar RC weli 40-kii ma buuxin markii uu Nebiga ﷺ rumeeyay…
Ummad kastaa dhalinyarteeda ayay ku hanaqaadda oo ay meel ku gaadhaa.
Usaama ibnu Sayd RC markii uu Nebigu ﷺ abbaanduulaha uga dhigay ciidankii Roomaanka weerari lahaa, ee ay Abuu Bakar RC iyo Cumar RC ku jireen, wuxuu ahaa 16-jir.
Sida laanta curdinka ah loo qaabayn karo ee loo jihayn karo ee ay isbeddelka ugu darban tahay, ayaa dhalinyartuna xaqa aqbaliddiisa iyo u adeeggiisa ay uga dhow yihiin waayeelka. Geed weyn laamihiisa haddii leexiya la isyidhaahdo inay jabaan ayay u badan tahay.
Haddaba, tilmaanta ugu weyn ee Asxaabul Kahfiga loo sheegay waa dhalinyarannimo — “Waxay ahaayeen fityah (dhalinyaro) rumeeyay Rabbigood…”
Da’da dhalinyarannimadu waa nimco iyo gallad Eebbe. Xadiis aynu soo marnay oo ku saabsanaa afarta arrimood ee Qiyaamaha la isweydiinayo, warin kale oo uu leeyahay ayaa waxaa ka mid ah in qofka la weydiinayo dhalinyarannimadiisa wixii uu ku dhammeeyay.
لن تزول قدما عبدٍ يومَ القيامةِ حتَّى يُسأَلَ عن أربعِ خِصالٍ: عن عُمرِه فيما أفناه، وعن شبابِه فيما أبلاه، وعن مالِه من أين اكتسبه وفيما أنفقه، وعن عِلمِه ماذا عمِل فيه
Iyada oo dhalinyartu xaqa u heelan tahay, haddana duulduulkooda ayaa badan maadaama aysan weli gaadhin da’dii dhammaystirnaanta oo Quraanku ku sheego afartan jir. Qof dhalinyaro ah oo jidka Alle ee toosan ku taagani waa wax weyn, waana sababta dhalinyarta noocan ahi ay uga mid yihiin toddobada jaad ee maalinta Qiyaamaha hadhsan doona hadhka Alle SWT.
Xadiis Nebiga ﷺ laga soo wariyay ayaa waxa uu tilmaamayaa in ay Alle SWT cajabiso qof dhalinyaro ah oo aan marna carruuroobin — yacnii aan dhacdhac iyo fudaydkii da’yarta lahayn.
إنَّ اللهَ لَيَعجَبُ مِنَ الشابِّ ليست له صَبْوةٌ.
Soomaaliduna waa tii tidhi: Labaatanjir intuu geed ka booduu talana ka boodaa.
Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan. Dhalinyartii Asxaabul Kahfigu mid mid uma socone mabda’ iyo iimaan bay isku bahaysteen oo ay ku midoobeen. Kaasaa walaaleeyay oo Godka wada galiyay, ayna ku wada joogeen, kuna samatabaxeen. Bahalkuna aalaaba wuxuu ugaadhsadaa goonidaaqa. Waa tii la yidhi shimbirba shimbirkiisuu la duulaa. Nebiguna ﷺ waa kii yidhi: Nafuhu waa ciidammo carbisan — intii isfahantaa is-urursata, intii kala diddaana way iskhilaaftaa.
والأرْواحُ جُنُودٌ مُجَنَّدَةٌ، فَما تَعارَفَ مِنْها ائْتَلَفَ، وما تَناكَرَ مِنْها اخْتَلَفَ.
Waa lamahuraan in qofku ka fiirsado cidda uu la saaxiibayo ee uu nolosha kula rafiiqayo. Waa inay ahaataa cid aad isla jaanqaadi kartaan, oo danta adduun iyo aakhiraba aad isu garabsan kartaan.
Dhalinyarta Soomaaliyeed wax wada qabashadii way ku dhibban yihiin. Bog ama koox Facebook ah inay wada maamulaan oo maareeyaan oo ay joogteeyaan waa hawl ku culus. Hal qof wuxuu wadaa ka waaritaan badan waxa koox u dhaqaaqdo. Intay isjiidjiidayaan bay ku kala yaacayaan iyagoon meel gaadhin.
“Barbaar diran bay lahayd,”
— Hadraawi: Dabahuwan.
Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara. Labo qaawanna isma qaaddo. Qof isagiiba aan wax isla haynin, oo aan aqoon, caqli, talo, xirfad, iyo karti midna lagu ogeyn — cid kalana wax naf leh tari maayo.
Cumar RC ayaa laga soo wariyay in uu yidhi: “Wax barta inta aan masuuliyad la idin saarin.”
تَفَقَّهُوا قَبْلَ أَنْ تُسَوَّدُوا
Qofku si uu naftiisa iyo cid kalaba wax u taro, waa inuu marka hore isagu isdhisaa oo wax iska dhigaa. Qof dhalinyaro ah oo fursado helaya, oo aan lahayn aqoon iyo xirfad midna, ee subixii marka uu soo kaco baraha bulshada ku soo foofaya ilaa uu habeenbadhkii ka seexanayo, waa qof naftiisi iyo xilkii nolosha ka saarnaaba dayacay. Waa khasaarihii oo neefsanaya oo lugo leh! Walciyaadu Billaah.
Watilkal Ayaamu…
Haddii Asxaabul Kahfigii uu Alle ka badbaadiyay intii gaalnimada la rabtay, oo uu godkii ay galeen ku dhowray kuna baxnaaniyay in ka badan saddex boqol oo sano, markii ay soo tooseenna iyagii baa Alle ku badbaadiyay tolkoodi ay markii hore ka cararayeen.
Xaalkii oo isbeddelay, oo degmadoodi Mu’miniin ka buuxaan, ayay soo tooseen. Dhibtuse waxay ahayd in qoomkoodi ay ku qaybsameen aakhiro iyo arrinkeeda, oo qaarkood ay dafirayeen in Alle dadka soo noolayn doono Qiyaamaha.
Asxaabul Kahfigii ay sooyaalkooda hayeen markii ay saddex boqol oo sano ka dib ku soo noqdeen iyagoo weli ah sidii ay ku baxeen, waxay noqotay tusaale nool oo laga dheehan karo sida Alle dadka u soo noolayn doono Qiyaamaha iyo aakhiro.
وَكَذَٰلِكَ أَعۡثَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ لِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيۡبَ فِيهَآ إِذۡ يَتَنَٰزَعُونَ بَيۡنَهُمۡ أَمۡرَهُمۡۖ فَقَالُواْ ٱبۡنُواْ عَلَيۡهِم بُنۡيَٰنٗاۖ رَّبُّهُمۡ أَعۡلَمُ بِهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُواْ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِمۡ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيۡهِم مَّسۡجِدٗا
Maalinna baxsad iyo naflacaari bay kaga baxayeen degmada si ay iimaankooda ula badbaadaan, maalintii xigtayna (waa sidii ay u haysteene) iimaankii dadka degmada ayay badbaadinayeen. Iyagana halkan cashar kalaa ugu sugnaa: “Sidaas ayaan u helsiinnay si ay u ogaadaan in ballanka Alle xaq yahay…”
وَكَذَٰلِكَ أَعۡثَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ لِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ
Sayid Qudb (1386H) wuxuu Fii Dilaalil Qur’aan ku leeyahay: Cibrada ku sugan khaatimada dhalinyartaasi waa inay isa soo bixinta aakhiro ku muujinayso tusaale waaqici ah, oo dhow, lana taaban karo; kaas oo dadka u soo dhowaynaya arrinka isa soo bixinta. Markaana ay ogaadaan in isa soo bixintu ay xaq tahay, Saacaddana aan shaki ku jirin … sidaas ayaana Alle dhalinyartii uga soo kiciyay hurdadoodi una helsiiyay qoomkoodi.
Abul Xasan an-Nadwi (1420H) buuggiisa (الصراع بين الإيمان والمادية ) uu suuraddan al-Kahf ka qoray markii uu qisadan Asxaabul Kahfiga ka hadlayay wuxuu yidhi: Waa sheeko u suubbata shiditaanka dhimbiisha iimaanka, hurinta qiirada diimeed, iyo inay nafaha Mu’miniinta ku kiciso awoodda muqaawamada iyo wax iska caabbinta iyo halganka goor kasta iyo goob kasta.
Ilaa iyo haddana waa innagan qisadoodi la yaabban, ee ay casharka iyo cibrada innoo tahay. Markii ay isku lahaayeen, “…hana taxaddaro oo yuusan cidna idin dareensiin. Haddii ay idin helaan way idin rajminayaan, ama waxay idin ku celinayaan diintooda; markaasna weligiin liibaani maysaan,” maankooda kuma jirin in muddada intan le’eg ka dib aynu xusayno, oo aynu geesinnimadoodi iyo iimaankoodi dabka ku daaranayno, kuna dayanayno.
Waa nooc ka mid ah galladdii Eebbe ku mannaystay, iyo raxmaddii ay weydiisteen in uu u fidiyo. Alle ma dayaco ajarka iyo abaalmarinta Mu’miniinta wanaagga fala.
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا.
“Taasi waxay ka mid tahay aayadaha Alle; qofkii uu hanuuniyaa hanuunsan, kii uu baadiyeeyana u heli maysid wali (xigto) hanuuniya.”
ذَٰلِكَ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِۗ مَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلۡمُهۡتَدِۖ وَمَن يُضۡلِلۡ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيّٗا مُّرۡشِدٗا
“In daalacan baad taqaan
Intii dedan baad og tahay
Horraysana waad digtaa
Dambaysana waad sugtaa
Intii daran baad kartaa
In doora Rabbaad u tahay
Dulleynna Adaa ku filan
Daryeella Adaa ku faxan
Sidaad damacdaaba fudud
Dardaar-werintaada guud
Adaa naxariis ku daray
Dannina Boqor baad ka tahay
Dayrona Hodan baad ka tahay
Denbina Dhaafaad u tahay
Dulqaadna Allaad u tahay
Baryana Deeqlaad u tahay,
Adaan talo kaa degdegin
Dorraato wax Kuu ekaa
Adaan dib u qoomamayn
Adoo isla doonay laba
Adaan midi Kaa durkayn
Adaan waxba Kaa dib-jirin
Adaan damac fuushanayn,”
— Hadraawi: Dabahuwan.
“Rabbow ifka nooga door
Dedaalkana noo rumee
Rabbow danbe noo ogow
Wixii tegey duudsi yeel,”
— Hadraawi: Dabahuwan.
#Dhambaalka_Jimcaha
Jazaka Allah Sheekh